AUSSOM retweeted
Today, 25 November 2026, the Peace and Security Council of the African Union (#AUPSC) held its 1380th meeting, to consider the Report of the Chairperson of the AU Commission on the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (@aussom_). The meeting was chaired by H.E. Amb. Antonin B. Bieke, Permanent Representative of Côte d’Ivoire to the AU and PSC Chairperson for November 2026.
The session featured an introductory statement by H.E. Amb. @Bankole_Adeoye, AU Commissioner for Political Affairs, Peace and Security, followed by statements from Somalia, Troop Contributing Countries, @IGADsecretariat, the UN, EU, UK, USA and Franca. Council also received a briefing from H.E. Amb. El Hadji Ibrahima Diene, Special Representative of the Chairperson of the AU Commission for Somalia and Head of @aussom_.
Deliberations focused on the proposed AU–Somalia Integrated Security Transition Plan (2026–2028), including the phased transfer of security responsibilities to Somali Security Forces, the progressive drawdown of AUSSOM, and the urgent need for sustainable financial and logistical support arrangements ahead of the expiry of the current @UNSOS_ mandate on 31 December 2026.
The discussions emphasized the importance of preserving security gains, preventing operational gaps, and strengthening cooperation among the AU, Somalia, Troop Contributing Countries and international partners to advance lasting peace and stability.
#AUPSC #AUSSOM #Somalia #SilencingTheGuns #Agenda2063
Ku-simaha wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee AUSSOM, Danjire Mouktar Karie ayaa maanta kulan la yeeshay wafti heer sare ah oo ka socday safaaradda Netherlands kaas oo ay hoggaamineysay ku-xigeenka safiirka, Lana Voinov.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya, waajibaadka AUSSOM iyo dedaallada socda ee lagu taageerayo nabadda, amniga iyo xasillinta dalka, iyo sidoo kale amniga badda iyo xasilloonida gobolka.
Kulanka ayaa mar kale xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee beesha caalamka si loo horumariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku aaddan amniga Soomaaliya loona dhiso mustaqbal nabdoon oo xasilloon.
Today in #Mogadishu, the Acting SRCC of #AUSSOM, Amb. Mouktar Karie, met with a high-level delegation from the Embassy of the Netherlands, led by Deputy Ambassador Lana Voinov.
Discussions focused on recent developments in Somalia, AUSSOM’s mandate and ongoing efforts to support peace, security and stabilisation, as well as maritime security and regional stability.
The meeting reaffirmed the importance of sustained international partnership and cooperation in advancing Somalia’s security priorities and building a peaceful and stable future.
Today in #Mogadishu, the SRCC and the Head of #AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, met with @UKinSomalia Ambassador H.E. Charles King (@CharlesKingFCDO). They discussed recent developments, Somalia’s security transition, AUSSOM mandate and continued international support for Somalia's #peace & #stability.
Amb. Diene thanked @UKinSomalia for its support for Somalia's security transition, including through the Somali Security Forces (#SSF) Trust Fund, which supports Somali forces operating alongside AUSSOM.
Both parties stressed the need for continued international cooperation and predictable, sustainable funding to advance #peace and stability in #Somalia and in the Horn of Africa.
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa maanta qaabilay Danjiraha Denmark u fadhiya Soomaaliaya, mudane Steen Andersom (@DKinSomalia). Waxa ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey iyo sii socoshada taageerada beesha caalamka ee ku aaddan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Danjire Diene ayaa muujiyey mahadnaq ku aaddan taageerada joogtada ah ee Denmark ay siiso Midowga Afrika, halka Danjire Anderson uu bogaadiyey howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya isaga oo xusay sida wax ku oolka ah ee ay u fuliyaan waajibaadkooda isla markaana ay u sii wadaan ka qayb qaadashada geeddi-socodka nabadda iyo amniga ee ay Soomaalidu hoggaminayso.
Kulanka ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga xooggan ee caalamiga ah, maalgelin waarta oo la saadaalin karo iyo wada-shaqayn joogta ah oo lagu taageerayo dedaallada Soomaaliya ee ku aaddan nabad, amni iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Today in #Mogadishu, the SRCC and Head of #AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, received the Danish Ambassador to Somalia, H.E. Steen Andersen (@DKinSomalia). They discussed latest developments, and continued international support for Somalia’s #peace & #stability.
Amb. Diene expressed appreciation for Denmark’s continued support for the @_AfricanUnion, while Amb. Andersen commended AU missions in #Somalia for effectively implementing the mandate and sustaining the contribution to Somali-led peace and security process.
The meeting reaffirmed the importance of strong international partnerships, sustainable & predictable funding, and continued cooperation in supporting #Somalia’s efforts towards lasting peace, security and stability in Somalia and in the Horn of Africa.
Today in #Mogadishu, the SRCC and Head of AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, officiated the closing ceremony of the operational planning meeting on the integrated security transition plan.
He commended the deliberations of the participants drawn from @_AfricanUnion, FGS, T/PCCs, #AUSSOM, @UNOAU_ and @UNSOS_.
AUSSOM retweeted
Honoured to welcome H.E. Amb. El Hadji Ibrahima Diene, Head of @AUSSOM, to the AU Mission in Brussels after the #SchumanForum.
Discussions focused on #Somalia, the security transition, #RedSea security and maritime traffic, and sustainable financing for the Mission.
Khamiistii, 19-kii Nofeembar 2026, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Afrika ahna madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa Midowga Afrika ku matalay shirka sarakiisha sare ee looga hadlayey marxaladda kala-guurka Amniga Soomaaliya kaas oo ka dhacay magaalada Brussels.
Shirka oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen Midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedadiisu ahayd in lasoo bandhigo aragtida Soomaaliya iyo qorshaheeda kala-guurka amniga. Saaxibbada waxay ka wada hadleen isku-dubaridka iyo iskaashiga mustaqbalka ee ku aaddan qaab-dhismeedka Amniga Soomaaliya.
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray Soomaaliya oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhow ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika,howgallada wadajirka ah ee ay fuliyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed iyo AUSSOM iyo taageerada muhiimka ah ee ay bixiyaan saaxibbada Soomaaliya.
Ka-qaybgalayaasha shirka waxaa ka mid ahaa wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub, Dowladda Federaalka Soomaaliya, AUSSOM, Qaramada Midoobay, dalalka ciidamada ku biiriyey howlgalka iyo sidoo kale Turkiga, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, Sacuudi Carabiya, Qadar iyo Kuwait.
On Thursday 19 November 2026, the SRCC and Head of #AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, represented the African Union during the Senior Officials’ Meeting on #Somalia’s security transition held in #Brussels.
Organized by the European Union and the Federal Republic of Somalia, the meeting aimed to present the Somali vision and its security transition. Partners discussed the coordination and future engagements in Somalia’s security framework.
The SRCC commended the achievements in Somalia, including the close coordination between #FGS and @_AfricanUnion, the joint SSF-AUSSOM operations and the vital support of the partners.
Participants were from #EU Member States, FGS, AUSSOM, @UN, Troop-contributing countries, as well as #Türkiye, the #UnitedKingdom, the #UnitedStates, #SaudiArabia, #Qatar and #Kuwait.
Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna ku-simaha madaxa AUSSOM, Danjire Mouktar Osman Karie ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka wadajirka ah ee qorsheynta howlgallada, kaas oo looga hadlay diyaarinta qorshe isku-dhafan oo ku saabsan kala-guurka amniga.
Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka qaybgalay dalalka ay ciidamada milatariga iyo booliska ka joogaan Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Midowga Afrika, iyo xafiiska Tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Ujeedada shirka ayaa ahayd in laga wada shaqeeyo hagidda habka tartiib-tartiibta ah ee mas’uuliyadaha amniga loogu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed.
Dhammaan dhinacyada ka qaybgalay shirka ayaa carrabka ku adkeeyey mas’uuliyadda ka saaran hirgelinta qorshahan, si loo xaqiijiyo sii socoshada howlgallada amniga loona ilaaliyo guulaha laga gaaray xasillinta, taas oo muhiim u ah in si guul ah loo fuliyo geddi-socodka kala-guurka amniga.
Wufuudda ka qaybgashay shirka waxaa kamid ahaa wakillo ka socday Burundi, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Ghana, Kenya, Nigeria, Siera Leone iyo Uganda.
Today in #Mogadishu, Deputy SRCC and OiC AUSSOM, Amb. Mouktar Osman Karie, launched the opening session of the joint operational planning meeting for an integrated security transition plan.
Organized by the @_AfricanUnion and the Federal Government of Somalia, the meeting brought Troop and Police Contributing Countries (T/PCCs), @UNOAU_ & @UNSOS_ to guide the gradual transfer of security responsibilities to Somali Security Forces.
All stakeholders emphasized their shared responsibility for the plan to ensure continuity of security operations and safeguard stabilisation gains for a successful transition.
Delegates included representatives from #Burundi, #Djibouti, #Egypt, #Ethiopia, #Ghana, #Kenya, #Nigeria, #SierraLeone and #Uganda.
21 askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AUSSOM ayaa maanta Beledweyne ku dhameystay tabobar socday muddo laba bilood ah oo ku saabsanaa diyaargarowga howlgallada xeeladeysan, kaas oo loogu talagalay xoojinta heerka diyaargarowga ciidamada, fahamka dhulka iyo gudashada waajibaadka howlgallada.
Tabobarka ayaa diiradda lagu saaray uruurinta, maareynta iyo ridista hubka culus, beegsiga bartilmaamedyada, qiimeynta dhulka iyo sahanka goobaha taas oo xoojinaysa xirfadaha aasaasiga ah ee askarta si ay howlahooda shaqo ugu gutaan si hufan.
Isaga oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka tabobarka, taliyaha guutada 13-aad ee Ciidanka Difaaca Qaranka Jabuuti, Gaashaanle Dhexe Axmed Aadan Cabdullahi ayaa ciidamada ku booriyey in ay sii wadaan ilaalinta xirfadda, anshaxa iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee shaqada iyaga oo waajibaadkooda u gudanaya si waafaqsan habraacyada howlgalka ee AUSSOM iyo ujeedooyinka howlgalka.
Barnaamijkani waxa uu muujinayaa sida ay AUSSOM uga go’an tahay in ay howlgeliso ciidan karti leh, si wanaagsan u tabobaran isla markaana diyaar u ah gudashada waajibaadka howlgalka si loo taageero nabadda iyo xasillonida Soomaaliya. #AUSSOMIyoQaybaheeda
Today in #Beletweyne, 21 #AUSSOM Djiboutian troops completed a two-month Tactical Operational Preparedness Training designed to reinforce their operational readiness, terrain awareness and mission effectiveness.
The training covered heavy-calibre weapons assembly, handling and firing, target engagement, and terrain assessment and reconnaissance, reinforcing personnel's essential skills for effective field operations.
Speaking at the closing ceremony, the Commander of the 13th Djiboutian National Defence Force Battalion, Lt. Col. Ahmed Adan Abdullahi, urged the troops to continue to uphold professionalism and discipline while executing their duties in accordance with AUSSOM Standard Operating Procedures and mission objectives.
The programme underscores AUSSOM's commitment to maintaining a capable, well-trained and mission-ready force in support of peace and stability in Somalia. #AUSSOMInTheSectors
Ciidamada Uganda (UPDF) ee AUSSOM ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (@SNAForce) ku wareejiyey shan xero oo ku yaalla aagga saldhig-hoosaadka Baraawe taas oo ka dhigan tallaabo muhiim ah oo laga gaaray geeddi-socodka kala-guurka amniga Soomaaliya.
Munaasabadda wareejinta oo uu hoggaaminaayey taliyaha colka 45-aad, Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene oo wakil ka ahaa taliyaha qaybta koowaad, Sarreeye Guuto Jackson Kanyanja ayaa lagu qabtay xarunta colka 45-aad ee Embresso. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay hoggaamiyeyaasha degmada Baraawe iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Uganda (@MODVA_UPDF). Saldhigyada la wareejiyey ayaa kala ah: Xarunta Embresso, saladhigga Baraawe ee Knoll, Saldhigga Waddada Kismaayo, saldhigyada Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha kuwaas oo dhammaantooda si buuxda u shaqaynaya.
Gaashaanle Sare Musenene ayaa uga mahadceliyey bulshada Baraawe taageeradii ay siiyeen ciidamada Uganda muddadii ay halkan ka howlgalaayeen isagoo tallaabada wareejinta ku tilmaamay mid muujinaysa awoodda sii kordheysa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu ugu baaqay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan guulaha amni ee la gaaray sanadihii la soo dhaafay, isaga oo sidoo kale dadka deegaanka ku dhiirrigeliyey in ay u heelanaadaan dedaallada lagu ilaalinaya nabadda.
Taliyaha guutada 23-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamed Axmed Cabdi ayaa iskaashiga Ciidamada Uganda ku tilmaamay mid taariikhi ah isagoo bogaadiyey mashaariicda horumarineed iyo kuwa lagu taageerayo bulshada ee ay ciidamadu fuliyeen.
Xubnaha Bulshada Deegaanka ayaa iyaguna Ciidamada uga mahadceliyey kaalintii ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida ay Baraawe ku naalooneysay sanadihii la soo dhaafay iyaga oo ballanqaaday in ay si wanaagsan uga faa’ideysan doonaan nabaddaas.
#AUSSOMIyoQaybaheeda
#AUSSOM #UPDF troops have handed over five Forward Operating Bases in Barawe Sub-Sector to the Somali National Armed Forces (@SNAForce), marking a significant milestone in #Somalia’s security transition.
The ceremony, held at Battle Group 45 Headquarters in Embresso, was led by Battle Group 45 Commander Col. Dr. Justus Musenene, representing Sector One Commander Brig. Gen. Jackson Kayanja. It was attended by Barawe district leaders and senior SNAF and @MODVA_UPDF officers. The bases handed over are Barawe Embresso, Barawe Knoll, Kismayo Road, Seaport and Runway FOBs, all fully operational.
Col. Musenene thanked the communities of Barawe for their support throughout the UPDF’s deployment as an illustration of SNAF’s growing operational capacity. He called on #SNAF to safeguard the gains made over the years and urged residents to remain resilient in preserving the peace.
SNAF 23 Brigade Commander Col. Mohamed Ahmed Cabd described the cooperation with the UPDF as a historic partnership and praised its development and community support projects. Community members also paid tribute to the troops for the peace Barawe has enjoyed over the years and pledged to put it to good use. #AUSSOMInTheSectors
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa maanta qaabilay danjiraha Hindiya u fadhiya Soomaaliya, mudane Dr. @AdarshSwaika1 iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey Soomaaliya, hirgelinta waajibaadka #AUSSOM iyo sii socoshada taageerada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Danjire Diene ayaa bogaadiyey iskaashiga muddada dheer ee Hindiya ay la leedahay Soomaaliya, Midowga Afrika iyo hawlgallada uu Midowga Afrika hoggaamiyo ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay kaalinta ay ka qaateen dedaallada nabadda iyo xasilloonida.
Labada mas’uul ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga Midowga Afrika iyo Hindiya si loo taageero dedaallada ay Soomaalidu hoggaamiso ee lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Today, the SRCC and Head of AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, received the Ambassador of India to Somalia, H.E. Dr. Adarsh Swaika to discuss the latest developments in Somalia, implementation of #AUSSOM’s mandate and continued international support for #peace and #stability in Somalia.
Amb. Diene commended India’s longstanding partnership with Somalia, the @_AfricanUnion and AU-led missions in Somalia, recognising its contribution to peace and stability efforts.
Both leaders highlighted the importance of further strengthening AU–India cooperation, in supporting the Somali-led efforts to advance #peace #security & #stability in Somalia.
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho agaasimaha cusub ee dhowaan loo magacaabay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo ka-hortagga cudurrada (@AfricaCDC) ee Soomaaliya, Dr. Mustafe Awil Jama
Labada mas’uul ayaa isku raacay in la xoojiyo isku-duwidda iyo wada-shaqaynta labada hay’adood ee Midowga Afrika si loo taageero arrimaha hortabinta u leh Soomaaliya gaar ahaan amniga caafimaadka bulshada, u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah iyo ka jawaabistooda si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara oo Soomaaliya ka hirgala.











































































