Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow) header
Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow) profile picture

Seasoned diplomat, versatile academic, accomplished writer, and political researcher. Views are my own & "RTs, links not endorsements"|๐Ÿ…พ๏ธ+| [email protected]

Mogadishu, Somalia
Joined May 2015
Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)Photo by Ali Abdi Ali Hoshow ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด (@AliHoshow)
ุงู„ู„ู‡ูู… ุฃุณุนุฏู†ูŠ ุณุนุงุฏุฉู‹ ุชู…ู„ุฃ ุนู†ุงู† ุงู„ุณูŽู…ุงุก ูŠุงุฑุจ ูุฑุญุฉ ู„ู… ุชูƒูู† ุจุงู„ุญูุณุจุงู† ุงู„ู„ู‡ู… ุญู‚ู‚ ู…ุง ุจุฏุงุฎู„ูŠ ูˆ ุงุฌุนู„ู‡ ุฎูŠุฑุงู‹ ู„ูŠ ุงู„ู„ู‡ู…ู‘ ุฅู†ูŠ ุงุณุชูˆุฏุนุชูƒ ุฃู‚ุฏุงุฑู‰ ูุฌู…ู‘ู„ู‡ุง.
6
48
Allah u naxariisto Marxuum Eng. Maxamuud Cabdi-Gaab, oo gelinkii dambe ee maanta ku geeriyooday dalka Ingiriiska, kadib xanuun uu muddooyinkii u dambeeyey la tacaalayey.
1
140
Marxuumka waxa kale oo lagu xusuustaa inuu ahaa injineerkii ku guulaystay qandaraaskii dhismaha derbiga weyn ee loo yaqaanay Silliga Ameerikaanka, kaas oo xayndaab u ahaa safaaraddii hore ee Maraykanka ee magaalada Muqdisho.
1
22
Allah u naxariisto Marxuumka, dembigiisana dhaafo, hoygiisana ka yeelo Jannatul Firdowsa, ehelkii, qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan intii ay geeridiisu taabatayna samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
11
Goor ay qorraxdu cirifka galbeed u sii dhaadhacaysay, ayaan soo ag-maray dugsi lagu barto afka Ingiriisiga, halkaas oo laba kooxood oo arday ahi ay ku loollamayeen tartan suโ€™aalo iyo jawaabo aqooneed ah, lagu tijaabinayay fahankooda iyo xeel-dheerida jawaab-celintooda.
1
165
Dowladnimadu waxay ku taagantahay hayโ€™ado awood leh, madax-bannaani iyo hufnaan maamul; sharciyo iyo xeerar qaran oo aan ku ekaan qoraal iyo ansixin, balse si dhab ah loo dhaqangeliyo, si simanna loogu wada dhaqmo; dhowrista sinnaanta, sugidda caddaaladda iyo hirgelinta
1
9
hannaan lagu xaqiijiyo isla-xisaabtanka, lagula dagaallamo musuqa, laguna xakameeyo ku-takrifalka awoodda & dano-raadiska, si fursadaha iyo xilalka ugu salaysnaadaan karti, aqoon iyo waayo-aragnimo, loogana fogaado eex, kooxaysi, qaraabo-kiil iyo xiriiro gaar ah.
11
Khilaafku waa qayb ka mid ah nolosha siyaasadeed, isaga oo leh waqti iyo xad, kala aragti duwanaantuna ma aha sabab lagu wiiqo jiritaanka dowladnimada, laguna halis-geliyo nabadda, wadajirka dadka iyo midnimada dalka, laguna dhaawaco kalsoonida dadweynaha ama lagu abuuro walaac.
1
140
Soomaaliya la mid ma aha Afgaanistaan marka la eego taariikhda, qaab-dhismeedka bulshada, duruufaha juqraafiyeed iyo hab-dhiska dowladeed.
1
20
Ma aha dal ay argagixisadu si fudud ula wareegi karto ama ku afduuban karto aayihiisa; waa qaran leh dad ku suntan dareen waddaniyadeed, ciidan difaac iyo dagaalba u tababbaran, cudud milatari, daljir iyo danjire, iyo hayโ€™ado dowladeed oo u taagan ilaalinta madax-bannaanida.
27