Falastiin ninkii gabay
Kala gooyay Liibiya
Gaasiraya Suudaan
Galad kama sugayee
Ha gurteen alaabada.
KHEYRE IYO FARMAAJO:
• Waxey ceyriyeen Imaaraat
-Waxaa soo celiyay dowladaan—maanta waa caqabadda koowaad sida madaxweynuhu xalay sheegay
KHEYRE IYO FARMAAJO:
Waxey dalka dalka ka saareen kooxdii jawaasiista aheyd ee SAHAN la baxday, garsoorka dalka ayayna u direen
- Dowladda maanta joogta ayaa soo celisay isla asbuucii ay talada dalka qabteen—maantana waa caqabadda koowaad ee qaranka
KHEYRE IYO FARMAAJO:
Waxey diideen damicii labada maamul ee Puntland iyo Jubaland waxeyna ku eedeeyeen niman xiriir xooggan la leh dowlado cadow ah
– Dowladda maanta jirta ayaa heshiis la gashay, codkiina ay isa-siiyeen—maanta waa labada maamul oo ay dowladda jirta iskugu fog yihiin
KHEYRE IYO FARMAAJO;
Waxey xilalkii ka qaadeen labo Jeneraal, darajooyinkii ciidan ka xayuubiyeen, garsoorka dalkana u gudbiyeen markii ay ku cadaatay basaasnimo aan qarsooneyn.
–Dowladda maanta jirta ayaa ciidanka ku soo celisay, darajadiisii dib u siisay, isla xilkiina dib ugu celisay—maanta iyagoo weli dowladda ka tursano ayay dib ugu laabtay jaajuusnimadoodii.
KHEYRE IYO FARMAAJO:
Waxey dalka ka ceyriyeen kooxdii cadowga aheyd ee SAHAN markii ay la cadeeyay cadownimadooda, maxkamad ayaana loo diray.
–Dowladda maanta jirta ayaa isla asbuucii madaxweynaha la doortayba ku casuntay xafladdii caleemo-saarka madaxweynaha–maanta waa HALISTA QARAN ee taagan.
KHEYRE IYO FARMAAJO:
Baaritaan ay muddo dheer wadeen waxey xaqiiqsadeen inuu Agaasimihii sirdoona dalku noqday basaas dowlad carbeed xogaha dalka la wadaaga, fuliyay shirqoolkii Qalbi-dhagax, xilkii ayaa laga qaaday baaritaan ayaana lagu furay.
–Dowladda maanta jirta ayaa dib u soo celisay, isla xilkiina dib ugu magacowday—maanta wuxuu joogaa Baladweyne isaga oo isla dowladii carbeed iyo tii uu Qalbi-Dhagax u dhiibay u adeegaya
KHEYRE IYO FARMAAJO:
Waxey xireen dhammaan xeryihii ciidanka Imaaraatku tabobari jiray, waxeyna beddelkii Imaaraatka labo guuto oo ciidan ah u direen dalka Eritrea.
– Dowladda maanta jirta madaxweynaheeda ayaa shir Jaraa'id qabtay isaga oo sheegay in wiilashaas la iibsaday iyo hadalkii caanka ahaa ee " anagaa nala leeyahay Imaaraatku waa cadow, Eritrea-na waa walaal.. yaa ii sheegi kara hal isbitaal oo uu Afawerka [madaxweynaha Eretereeya) uu noo dhisay?
Maanta ciidankii maalinkaas Eritrea lagu soo tabobaray oo ay Kheyre iyo Farmaajo direen ayaa amniga dalka ee dhulka, cirka iyo badda intaba gacanta ku haya oo illaa Abaanduulaha amniga Koonfur Galbeed maamulka, ilaa taliyaha qeybta 26-aad ee Togdheer jooga, taliyaha ciidanka cirka Soomaaliyeed iyo kan badda intuba waa ciidankii uu noo soo tabobaray halyee Assiass Afawerk.
RUNTA QARAAR
MAXAAN KA TAGAY?
Waa khudbad madaxweynuhu jeediyay maalinkii ay guddiga doorashadu soo saareen jadwalkii doorashada 7 sano horteed madaxweynuhuna uu ka tirsanaa horumuudkii mucaaradka dalka.
Cali Yare Cali retweeted
The Somali president @HassanSMohamud is saying they can use ports for commercial purposes as other landlocked states use ports and as per international and UNCLOS law;
That is not the same thing Ethiopia says or wants and he correctly said what access as per international law mean.
The headline may come across vague and or misleading as readers will assume he agrees with Abiy’s ownership argument;
He did not as per attached.
Credit of video: Al Jazeera
#عاجل | الرئيس الصومالي للجزيرة: علاقاتنا جيدة مع إثيوبيا ولا نمانع من وصولها إلى البحر عبر الأراضي الصومالية
Xalay sidaan ayuu Xasan yiri saakayna warqadaan uu leeyahay inagaa qabaneyna ayuu soo saaray.
Xasanoow maxaad baasoo cuntaa?
Xasanoow imisa Xasan ayaad tahay?
Maadaama waqtigiisu gabaabsi yahay Xasan wuxuu sugi waayay inta guryaha laga soo baxayo wuxuuna marayaa inuu dadkii oo hurdo inuu guryihii ku dumiyo waana dhaqan bahalnimo ah oo uu la soo baxay si uu hantida dalka u xaalufiyo maalmahan kooban ee uga haray gacan-marinta hantidii danta guud.
Xasan maanta wuxuu dhacayaa dhulal ku kala yaalla 13 goobood oo kala duwan.
Hadda dooddu kama taagna dhulal danguud ah—wuxuu xoogayo waa dhulalkii sharciga lahaa.
HALKAN WAA MUQDISHO.
Xasan oo dhul-boob ah kuna dagaalamaya gaadiidka uu hubka culus ku rakiban yahay iyo shacab ulo iyo dhagxaan wata oo dhulkooda sharciga ah ka difaacanaya maleeyshiyaadka Macalin Mahdi ee Xasan xasuuqa shacabka u qaabilsan.







