Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray mashaariic adeegyada aasaasiga ah oo laga hirgeliyay waaxda Xaaji-Cabdi ee Deg. Gubadleey, wuxuuna dukumentiyo lahaanshiyo dhul ku wareejiyay qoysas dib-u-dejinta loo sameynayo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane C/qaadir Maxamed Nuur ayaa hoggaamiyay munaasabad lagu xusayay dadkii ku shahiiday qaraxii argagixiso ee 14-kii Oktoobar 2017. Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen, (Muungaab), ayaa xusay in maalintaan oo kale ay tahay maalin murrugo.
Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa maamuus u sameeyay qaar ka mid ah Madaxda Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoona Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdi-xaashi Cabdullaahi, uu abaalmarin bilad sharafeed ah guddoonsiiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), & safiirka dalka Qatar Dr. Abdalla Bin Salim Al-Nuaymi, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Isbitaalka Degmada Garasbaalleey oo ay adeegyo caafimaad ka heli doonaan dadka danta yar & barakacayaasha.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), & Safiirka Jamhuuriyadda Aljeeriya, Mudane Mohamed Alim, ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga, iyadoona Duqa Muqdisho uu guddoomay casuumaad ka timid Guddoomiyaha caasimadda Algiers.
Today, BRA’s Durable Solutions Unit convened its TWG with district commissioners, NCRI, partners & community representatives. Guided by Somalia’s National Solutions Pathways Action Plan, we discussed tenure security, services and livelihoods for displaced communities. @BRA_dsu
Shirka Guddiga gurmadka iyo ka jawaabista xaaladaha ka dhalan kara El-Nino, ayaa loogu hadlay qorshayaasha hortabinta u leh guddiga, horu-dhacyada waxqabadka la sameeyey & khariidada sahanka khataraha daadadka, iyadoona gurmadka loo diyaariyay ku dhawaad 3,000 oo mutadawiciin ah.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga gurmadka iyo ka jawaabista daadadka deyrta iyo Super El-Nino, iyadoona shirka lagu soo bandhiggay Diyaar-garowga ku aadan la tacaalida qataraha.
Maamulka Gobolka Banaadir oo warbixin kasoo saaray saameynta roobka ka da’ay Magaalada Muqdisho iyo Guddi loo magacaabay
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo salaan ugu tagay Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa salaan sharafeed ugu tegay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoona ka mahadceliyay soo-dhoweynta diiran ee uu kala kulmay madaxda & shacabka dalka Jabuuti.
𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔𝐋𝐊𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐀𝐇𝐍𝐀 𝐃𝐔𝐐𝐀 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐆𝐎𝐎𝐁𝐓𝐀 𝐗𝐔𝐒𝐔𝐔𝐒𝐓𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐑𝐊𝐈𝐈 𝐂𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐈𝐁-𝐔-𝐘𝐀𝐆𝐋𝐄𝐄𝐋𝐈𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐍𝐈𝐌𝐀𝐃𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), & Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Md. Omar Abdi Said, ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya & Jabuuti, iyadoo la isla eegay fursadaha labada dhinac.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo Duqa Caasimadda Jabuuti, Md. Said Daoud Mohamed, ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka iyo horumarinta.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray dalka Jabuuti kadib markii uu casuumaad ka helay Duqa Caasimadda Jabuuti Md. Said Daoud Mohamed, si loo xoojiyo khibrad-wadaagga iyo xiriirka ganacsatada.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe, kaasi oo ay sanadkan u fariisteen in ka badan 46,000 arday, laguna galayo 125 xarumood oo loo dhameystiray ilaalinta tayada imtixaanaadka.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Xarunta Maamulka Degmada Shingaani, oo dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, si' loo xoojiyo hufnaanta maamulka, islamarkaana sare loogu qaado adeegyada dadweynaha.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqday xerada TurkSom, ayaa boogaadiyay hawlaha tababarka, dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu taageerayo xasilloonida Caasimadda Muqdisho.
































































